Friday, August 4, 2023

SOOMAALIA OO SI HEER CAALAMI AH U CEEBOWDAY

 Maxaad kala socotaa sida aan la filanayn ee heerka caalami ah ee aan u ceebownay!!!

Iyadoo awayba aysan jirin wax gooni ah oo inoo dhaqnaa hadana wax nalakula maadaysto ayaa dhacay oo ceeb ah in ceebtaada aad fagaare la imaatana ma ahan wax qiil sisahala loogu raadin karo waxaa jirtay in aan ka qeyb galnay tartan orod oo weliba heer ahaan aan saa uweynayn lakin tan aan kala klanay ayaa ah waxa kaba dhigay wax weyn.

Tartanka ka dhacay chine ee orodada jamacadaha ayaa noqday mid somalida iyo aduunka istusay shaqo aan loodirin cid aan ehelkeeda ahayn waataas oo kale waana sababta aan ugalnay kaalin caalami oo cajiiba Tartamihii ebid ugu daahista badnaa xili intii guulaysatay ay dabaaldagii dhamaysteen ayaan nimid weliba inagoo ilbiriqsii ugu danbeeyey hablala dhacay ku dhaafnay xariiqa.

Hadaba eeda yaaleh, wararku waxay sheegayaan in hab ehelnimo ay sabab utahay ceebta lakin weli qiil ma ahan waayo markii sagootinta goobta lajoogay waxaa la arkayey masuuliyiin joogta goobta.

Sidaa oo kale dabcan qaabka tagitaankana waa wax lawada ogaa lakin waxaan rajaynaa in ay inoo noqoto ceeb aan xal danbe ku helno tanu inagu dhacdee waase haddii caqli miir qaba lagu fakaro hada kadib iyo in meesha laga saaro nin jeclaysiga aan caanka k nahay waxaan inoo rajaynaa guulo alle idimkii.


FG: Waxa aan kasii walwalsanahay aana sugi la ahay kuwa danbe oo fagaaro inoo tagi doona.



Wixii ka qaldan ka raali ahaada I.a



Waana mahadsantihiin Dhamaantiin

Friday, February 19, 2021

Mogadishu Iyo xaaladeeda

Caasimada oo maalmahan rabshada ka jiraan
Masuuliyiin dowladda ka tirsan ayaa ku ee deeyey kuwa mucaaradka ah in ciidamo ay wateen ay weerareen fariisimo ay lahaayeen ciidamada dowladu sidaana ay kubilaam matay dagaalka taas oo ay Iska fogeeyeen mucaaridka iyaga oo sheegtay in ay dowladu soo weerartay hotel manida ex naasa hablood oo ay deganaayeen Hassan Sheikh Mohamud iyo Sharif Sheikh Ahmed

Sunday, December 30, 2018

Bilaawga Sanadka cusub ee 2019.

Alle Ayaa Kumahadsan Inasoo Gaarsiiyey Waqtigaan Anagoo Nabad qabna Al-Xamdu lillah, Sanadadii tagay midkastaa waxa uu ka tagay taariiq taas oo ah mid dadku waqtigaas ay sameeyeen badankood midsan ama mid qaldan intaba gaar ahaan wadan keena maba kusii jiro !!!

Lakin Filashada wanaagsan ayaa wacan maadaama xili taariiqeed cusub uu inoo yahay bilaaw ku cusub nolosheena waxaa loo baahan yahay in aan nasiibkeena dhacsano anoo goor kasta og in alle inoo fududayn doono arimaheena.

2019, maahan sanad aan soodhoweyn u samaynaayo, laakiin waa taariiq aan xusaayo in ay tahay mid inagu cusub si aan uga faaiidaysano dhanka wanaaga.

Ugu danbayn:-
Waxaan markale u mahad celinaa alle weyne oo ina soo gaarsiiyo waqtigaa cimri dheer iyo cibaado suuban Sanadadii lasoo dhaafay qofba waxbuu ku xasuustaa saan kor kusoo xusay lakin ani ahaan wax badan ayaan ku xasuusan doona taas oo ah wanaag aan waqtiga uga faaiidaystay sida herarkaygii kala duwanaa ee wax barashada alx.






Aqriskaada Waad Ku Mahadsantahay Walal.

Thursday, November 15, 2018

The New logo of Dhamma

Dhamma is youtube Channel and Facebook page has this logo thanks all.

Thursday, October 18, 2018

BAAQ KU SAABSAN KHATARTA HINDISAHA QAANUUNEEDKA JINSIGA.

Waabaaqii culimada soomaaliyeed
ee nadwadii manta lugu qabtay masjidka sheekh cali suufi
BAAQ KU SAABSAN KHATARTA HINDISAQAANUUNEEDKA JINSIGA

Qaanuunka ama hindisa sharciyeedka ay soo bandhigtay, soona diyaarisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee sugaya in la ansixiyo, wuxuu si toos ah uga horimaanayaa shareecada islaamka oo ay ummadda Soomaaliyeed dhammaantood aaminsan yihiin.

Wuxuu uga horimaanayaa shareecada Allaah iyo dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed marka la soo koobo siyaabahan:

1 Wuxuu weerarayaa guurkii rasuulkeenna Muxammad (scws) kuna tilmaamayaa xadgudub.
Eeg qodobka 27aad ee ku saabsan guursi carruur, wuxuu u qoran yahay sidan:
1 “Qof kasta waxa uu galayaa fal dambiyeed guursi carruur ah haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaangaar ahayn”.
Faqradiisa 3aad waxay u qoran tahay sidan:
3 “qof kasta oo gala fal dambiyeedka ku xusan qodobkan waxaa lagu xukumayaa xabsi aan ka yareyn toban sano kana badneyn shan iyo toban sano”.

Qaybta eray bixinta waxaa lagu xaddiday da`da guurka, waxaa lagu yiri bogga 9aad:
“Da`da guurka waxaa loola jeedaa da`da qaangaarka qof kasta oo ka weyn oo ah da`da qof kasta si sharci ah oo xalaal ah u guursan karo sida ku xusan shuruucda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya”.

Waxaa ku sugan qabya qoraalka dastuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya in da`da qaangaarka ay tahay 18 sano. (eeg qodobkiisa 29aad faqradiisa 8).

Haddaba waxaa ku sugan shan kitaab oo ka mid ah kuwa asalka u ah xadiiska nabiga (scws)  ( Bukhaari (3894), Muslim (1422), Abu daawuud (2121), Nasaa`i (3378) iyo Ibnu maajah (1876) ) in uu nabi Muxammad Caa`isha ku guursaday iyadoo sagaal jir ah.
Haddaba in fal dambiyeed loo arko wax nabi Muxammad (scws) sameeyay waxay meel ka dhac ku tahay sharafkiisa iyo maqaamkiisa mana aha wax uu qaadan karo qof u rumeysan rasuulnimo.

Sidoo kale qodobkan wuxuu si toos ah uga horimaanayaa Quraanka kariimka.
Wuxuu Allaah oranayaa:
واللائي يئسن من المحيض من نسائكم إن ارتبتم فعدّتهنّ ثلاثة أشهر واللائي لم يحضن.
“ kuwa ka quustay dhiigga caadada oo ka mid ah haweenkiina haddii aad ka shakisan tihiin (haddii aad garan weyseen ciddadooda) ciddadoodu waa saddex bilood iyo kuwa aysan caadadu ku dhicin (yar-yar).
Aayaddu waxay timaantay qof aan caado ka imaan wali in ciddadeeda tahay 3 bilood, haddaba ciddo waxay ka timaadaa furriin , furriinna waxaa ka horreeya nikaax.
Sidaas ayuu qodobkaas u baalmaray shareecada.

F.G. haddii ilmuhu uusan awoodi karin galmada, sharcigu ma fasaxayo, laakiin caqadka nikaaxa waa jirayaa, waxaana la sugayaa oo aqal gayntu ahaanaysaa ka dib awoodda qofkaas, sida ku cad kutubta fiqhiga gaar ahaan madhabteenna Shaaficiyada. 

2- Qaanuunkan ma kala saarayo nikaax sharci ah iyo dhileysi
Qodobka 6aad ee ka hadlaya ku xadgudub jinsiyeed faqradiisa 1aad (b) waxaa ku cad sidan:

“ Qof kasta wuxuu galayaa fal dambiyeed ku xadgudub jinsiyeed ah haddii uu:
B fal jinsiyeed la sameeyay oggolaansho la`aanta qof kasta oo kale.

Lagama reebin haddii uu nikaax ka dhexeeyo labada qof sida uu tilmaamayo ereyga QOF KASTA.
Shareecada islaamka waxay u aragtaa haddii xaaska la qabo laga helo oggolaansha la`aan xagga galmada iyadoo aan wax cudurdaar sharcigu oggol yahay jirin,  in haweeneydaas ay tahay iyadu mid dambi kaga sugan xagga Allaah.
Wuxuu wariyay Muslim saxiixiisa (1436)
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلّى الله عليه وسلّم: " والذي نفسي بيده ما من رجل يدعو امرأته إلى فراشها، فتأبى عليه إلا كان الذي في السماء ساخطًا عليها حتى يرضى عنها ".
Wuxuu yiri rasuulka (scws) “ Waxaan ku dhaaranayaa Allaaha nafsaddeyda gacantiisa ku jirtee, ma jiro nin xaaskiisa ugu yeerayo gogosheeda, dabadeed ay diidayso illaa Allaaha sarreeya wuxuu u ahaanayaa mid dusheeda u careysan ilaa iyo inta uu ka raalli noqonayo ninkeeda.

Iyadoo sidoo kale haddii ninka laga helo ogolaansho la`aan  uu kaga dhaartay galmada xaaskiisa cudurdaar sharci ah la`aantiis  la soo hor joojinayo qaadiga, afar bilood ka dibna waxaa la farayaa inuu oggolaado ama furo haweeneyda, sida ku cad suuratul Baqarah.

(للذين يؤلون من نسائهم تربّص أربعة أشهر فإن فاءوا فإنّ الله غفور رحيم. وإن عزموا الطلاق فإنّ الله سميع عليم ).

Haddaba halkaas shareecada islaamka ee nabi Muxammad (scws) la yimid waxay u socotaa meel, qaanuunkanna meel kale, wax shareecada ku tilmaantay gardarro ( oggolaansha la`aanta ka imaanayso labada is qabto midkood) ayuu ku xaq siinayaa qofkii gardarnaa ee caasiyay Allaah. 

Dhanka kale haddii ogolaansho jirto laakiinse  uu nikaax sharci ah jirin wax uga xusan ma jiraan oo mamnuucayo, taasina waa dhilleysigii sharciga uu reebay.
Wuxuu Allaah quraanka ku yiri:
ولا تقربوا الزنى إنّه كان فاحشة وساء سبيلًا. 
“Ha u dhawaannina zinada wuxuu ahaaday faaxisha (dambi foolxun) iyo jid xun”.

Qaanuunkan waxaa qodobbadiisa aad ugu soo noq-noqday ogolaansho, oggolaansho la`aan iyadoo aan marnaba la xussaynin oo aan laga saareynin nikaaxa sharciga ah si cad .

3 Qaanuunkan wuxuu u qeexay kufsiga sida ku qoran  qodobkiisa  4aad faqradiisa 1aad (a b):
1 qof kasta wuxuu galayaa fal dambiyeed kufsi ah haddii uu:
A si ula kac ah galiyo haba yaraatee wax kasta ee la galiyo daloolka xubinta taranka, futada, ama xubinta taranka ee qof kale una adeegsado wax kasta ama xubin ka mid ah jirka iyadoo
B qofka kale uusan oggolayn wax galinta

2- Qof kasta oo gala fal dambiyeedka ku xusan qodobkan, waxaa lagu xukumayaa xabsi aan ka yareyn toban sano kana badneyn shan iyo labaatan sano.

Haddaba qodobkan wuxuu ka muujinayaa kufsiga laba qof oo isku qabta nikaax sharci ah dhexdooda  haddi oggolaansho la waayo, taasina waxay khilaafsan tahay shareecada islaamka oo aan marnaba wixii guur dhexdiis ku dhaca aan kufsi ku tilmaamin, sidoo kalena dhaqanka soomaalida arrintaas kufsi kuma ahan.
Ciqaabta ku xusan qodobkan waa khilaafsan tahay tan shareecada ku ciqaabtay qofka gaystay faldambiyeedka kufsiga.
Shareecada islaamka waxay ku ciqaabtay qofka kufsiga gaystay:
1 haddii uu nikaax sharci ah uusan soo marin  100 karbaash iyo musaafurin, halka uu mutaysanayo haddii uu soo maray nikaax sharci ah in la rajmiyo (dhagax lagu dilo).
2 inuu bixiyo magdhawga wixii dhib uu gaystay oo dhan (faah-faahinta arrintan waxaa laga heli karaa kutubta fiqhiga sida Minhaajka).

4- Hab garsoorka iyo ciqaabaha xeerkan waxay gabi ahaanba khilaafsan yihiin hab garsoorka iyo ciqaabaha shareecada.
1 Waxaa uu u qoran yahay qodobka 2aad, faqradiisa 3aad, qaybtiisa (a) iv sidan:
“ Maxkamaddu ma go`aamin karto inuu qof kasta oggolaaday fal jinsiyeedka iyadoo tixgelinaysa sababta kaliya uu:
(Iv) eedaysanaha iyo qofka kale ay hore u lahaayeen ama uu hadda ka dhexeeyo xiriir sida ku xusan qodobka 39 (k) ee sharciga soo baxay ee tirsigiisa yahay 5 kaasoo la soo saaray markay taariikhdu ahayd 16 disember 1962.

Ereyga ah UU KA DHAXEEYO XIRIIR nikaaxa sharciga waa soo galayaa, marka maxkamadda xiriirkaas dartiis uma qaadan karto inay ogglaansho jirtay, balse marka uu jiro xiriir ciqaabta ayaaba kordheysa, sida ku cad qodobbada ay ka soo qaateen xeerkii 1962.
Marka ciqaab kordhinta ka dhalaneysa xiriirka waa nidaam garsoor khilaafsan sharciga, oo haddii uu xiriirku nikaax yahay kaasoo ka dhexeeyo dadka is dacweynayo dambi ogolaansho la`aan  maba imaan karo nikaaxa dhexdiisa sida aan ku caddeynay kor.

2 waxaa uu u qoran yahay qodobka 47aad faqradiisa 4aad sidan:

“Haddii dhibbanaha ama marqaatiga uu yahay carruur, maxkamadda ama hay`adaha ku habboon marxalad kasta oo ka mid ah heerka dacwada ay mareyso waa inay qaadaan dhamaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah, loogana hortago shaacinta aqoonsiga dhibbanaha ama MARQAATIGA CARRUURTA AH.

Meelo dhowr ah ayaa lagu xusay in carruur uu marqaati ka noqon karo faldambiyeedyadan, sida qodobka 48aad ee xuquuqda carruurta, sidoo kale qodobka 39aad , faqradiisa 2aad xarafka (j).

Shareecada islaamka xukun ciqaabtiisu aad loo adkeeyay sida faldambiyeedyadan oo kale kuma dhisto marqaati carruur.
Wuxuu Allaah ku yiri Quraanka:
واستشهدوا شهيدين من رجالكم فإن لم يكونا رجلين فرجل وامرأتان ممن ترضون من الشهداء.
Marqaati galiya laba ka mid ah raggiinna, halkaasna culimada oo uu ka mid yahay imaamu Shaafici waxay ka fahmeen ereyga “raggiinna” qof weyn oo qaangaar ah, luqqaddii quraanka uu ku soo degayna waa sidaas, luqaddeenna soomaaliga ahna ereyga “nin” waxa uu ku dhacayaa qofka weyn ee qaangaarka ah.

Dadka laga raalli noqon karana waa qof hadalkiisu masuuliyad uu yeelan karo sida qof qaangaar ah oo aan faasiq ahayn.

F.G. Aayaddu waxay ka hadashay marqaatiga marka qaddiyaddu tahay maal, marka ay ciqaab tahay waaba kasii adag tahay waana ka weyn tahay.

3 Ciqaabaha ku qoran xeerkan gabi ahaan ma ahan kuwa waafaqsan shareecada Islaamka, mana ahan kuwa laga soo xigtay.
Ciqaabaha (xuduudda) sharciga waxay ku caddahay Quraanka kariimka iyo axaadissta rasuulkeenna (scws).

5- Xeerkaan wuxuu si toos ah u laalayaa oo u burrinayaa sharci kasta oo aan waafaqeynin, taas oo aan laga soo reebin shareecada islaamka.

Qodobka 65, faqrada 2aad waxay u qoran tahay sidan:

Xeer kasta ama qodob sharciyeed KASTA  oo ka hor imaanaya sharcigaan ama aan waafaqsanayn sharcigaan waa la baabi`iyay, waxaana lagu baddalay qodobbada sharcigaan.

Wuxuu Allaah oranayaa:
أفحكم الجاهليّة يبغون ومن أحسن من الله حكمًا لقوم يوقنون
Ma waxay doonayaan xukunka jaahiliga (Axkaamta khilaafsan sharciga Allaah iyo rasuulkiisa ee aadanuhu dagsado), yaa Allaah ka xukun wanaagsan ciddii wax yaqiininaysa.
Wuxuu Allaah sidoo kale yiri:
ولا يشرك في حكمه أحدًا
Allaah xukunkiisa cidna islama wadaajiyo.

Haddaba sharci waa kan Allaah soo dajiyay ama culimadu ka fahmeen kitaabka iyo sunnada, wixii khilaafsanna waa baadil, waxaan qof muslim ah ka suurtoobin kaa baadilka ah inuu ku baddasho kii xaqqa ahaa.

GUNAANAD

Intaan waa qaybo ka mid ah waxyaabaha khatarta ah ee ku jira xeerkan sugayo ansixinta, waxaana jira kuwa kale oo aynan halkan ku tilmaamin inagoo ku gaabsaneyno inta aan sheegnay si baaqaan uusan faraha uga badan, wixii faahfaahin ah waxaa laga daalacan karaa hindise qaanuuneedka.

Haddaba waxaan uga digeynaa cid kasta in ay  ku lug yeeshaan qaanuunkan meel markiisa si toos ah iyo si dadbanba (sabab u noqosho), wax ku xukunkiisa, u xukun doonashadiisa fulintiisa, taageeradiisa iyo wax kasta oo la xiiriira oggolaanshihiisa, waayo wuxuu  ka hor imaanayaa asalka iimaankooda iyo diintooda, waana waxa ugu muhiimsan oo aan haysanno oo uu Allaah noogu nicmeeyay.

Meelmarinta qaanuunkan waxay meel ka dhac ku tahay maqaamka weyn ee rasuulkeenna (scws) maadaama uu taabanayo guurkiisa sida aan kor ku soo xusnay, arrintaasna waa iimaan la`aan iyo diin ka bax.

Waxa uu fasaxayaa ama fududeynayaa dhileysiga.

Waxa uu baabi`inayaa oo duminayaa qoyska soomaaliyeed, wuxuuna isku dirayaa xubnihiisa, kamana jawaabayo baahida ummaddaan.

Waxaa laga soo miinguuriyay ummado aynan wadaagin diin iyo dhaqan toona, mana lagala tashan culimada Soomaaliyeed iyo waxgarad toona, waxayna ka muuqataa nuxurka xeerkaan iyo hab tarjumiddiisa.

Haddii uu xeerkan meelmar ka noqdo dalka iyo bulshadan muslimiinta ah dhexdooda  wuxuu dhaxalsiinayaa ciqaabo rabbaani ah oo ku habsato ummadda, sidii laga dhaxlay xadgudubkii kacaankii millateriga ee laalay axkaamta sharciga ee ku saabsanayd qoyska, uuna  ku jees-jeesay hoggaamiyeheedii si cad aayadaha Quraanka, kuna laayay culimadii isgarab taagay axkaamta islaamka, taas oo ay ilaa manta na haysato.
Wuxuu wariyay imam Ibnu maajah (4019):
عن ابن عمر عن النبيّ صلّى الله عليه وسلّم قال: " وما لم تحكم أئمّتهم بكتاب الله ويتخيّروا مما أنزل الله، إلا جعل الله بأسهم بينهم ".
“Haddii aysan ku xukumin madaxdooda xukunka kitaabka Allaah, oo aysan wixii Allaah soo dajiyay ka soo dooran , wuxuu ka yeelayaa dhibkooda iyaga dhexdooda”.
Ciqaabtaas oo ah kala tagga, isneceybka iyo isdilka dhexdeenna yaalla muddada dheer waxaana cad in ay ka timid arrintaas nabigu (scws) uu tilmaamay.

Ugu dambeyn qof kasta oo soomaaliyeed oo bulshada dhexdeeda cod ku leh, culimo, waxgarad, aqoonyahan iyo oday-dhaqameed rag iyo dumarba waa inay ka hortagaan dhaqangalinta xeerarkan caragalinaysa Allaah.

#shiikh_Axmed_yare