Sunday, December 30, 2018

Bilaawga Sanadka cusub ee 2019.

Alle Ayaa Kumahadsan Inasoo Gaarsiiyey Waqtigaan Anagoo Nabad qabna Al-Xamdu lillah, Sanadadii tagay midkastaa waxa uu ka tagay taariiq taas oo ah mid dadku waqtigaas ay sameeyeen badankood midsan ama mid qaldan intaba gaar ahaan wadan keena maba kusii jiro !!!

Lakin Filashada wanaagsan ayaa wacan maadaama xili taariiqeed cusub uu inoo yahay bilaaw ku cusub nolosheena waxaa loo baahan yahay in aan nasiibkeena dhacsano anoo goor kasta og in alle inoo fududayn doono arimaheena.

2019, maahan sanad aan soodhoweyn u samaynaayo, laakiin waa taariiq aan xusaayo in ay tahay mid inagu cusub si aan uga faaiidaysano dhanka wanaaga.

Ugu danbayn:-
Waxaan markale u mahad celinaa alle weyne oo ina soo gaarsiiyo waqtigaa cimri dheer iyo cibaado suuban Sanadadii lasoo dhaafay qofba waxbuu ku xasuustaa saan kor kusoo xusay lakin ani ahaan wax badan ayaan ku xasuusan doona taas oo ah wanaag aan waqtiga uga faaiidaystay sida herarkaygii kala duwanaa ee wax barashada alx.






Aqriskaada Waad Ku Mahadsantahay Walal.

Thursday, November 15, 2018

The New logo of Dhamma

Dhamma is youtube Channel and Facebook page has this logo thanks all.

Thursday, October 18, 2018

BAAQ KU SAABSAN KHATARTA HINDISAHA QAANUUNEEDKA JINSIGA.

Waabaaqii culimada soomaaliyeed
ee nadwadii manta lugu qabtay masjidka sheekh cali suufi
BAAQ KU SAABSAN KHATARTA HINDISAQAANUUNEEDKA JINSIGA

Qaanuunka ama hindisa sharciyeedka ay soo bandhigtay, soona diyaarisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee sugaya in la ansixiyo, wuxuu si toos ah uga horimaanayaa shareecada islaamka oo ay ummadda Soomaaliyeed dhammaantood aaminsan yihiin.

Wuxuu uga horimaanayaa shareecada Allaah iyo dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed marka la soo koobo siyaabahan:

1 Wuxuu weerarayaa guurkii rasuulkeenna Muxammad (scws) kuna tilmaamayaa xadgudub.
Eeg qodobka 27aad ee ku saabsan guursi carruur, wuxuu u qoran yahay sidan:
1 “Qof kasta waxa uu galayaa fal dambiyeed guursi carruur ah haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaangaar ahayn”.
Faqradiisa 3aad waxay u qoran tahay sidan:
3 “qof kasta oo gala fal dambiyeedka ku xusan qodobkan waxaa lagu xukumayaa xabsi aan ka yareyn toban sano kana badneyn shan iyo toban sano”.

Qaybta eray bixinta waxaa lagu xaddiday da`da guurka, waxaa lagu yiri bogga 9aad:
“Da`da guurka waxaa loola jeedaa da`da qaangaarka qof kasta oo ka weyn oo ah da`da qof kasta si sharci ah oo xalaal ah u guursan karo sida ku xusan shuruucda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya”.

Waxaa ku sugan qabya qoraalka dastuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya in da`da qaangaarka ay tahay 18 sano. (eeg qodobkiisa 29aad faqradiisa 8).

Haddaba waxaa ku sugan shan kitaab oo ka mid ah kuwa asalka u ah xadiiska nabiga (scws)  ( Bukhaari (3894), Muslim (1422), Abu daawuud (2121), Nasaa`i (3378) iyo Ibnu maajah (1876) ) in uu nabi Muxammad Caa`isha ku guursaday iyadoo sagaal jir ah.
Haddaba in fal dambiyeed loo arko wax nabi Muxammad (scws) sameeyay waxay meel ka dhac ku tahay sharafkiisa iyo maqaamkiisa mana aha wax uu qaadan karo qof u rumeysan rasuulnimo.

Sidoo kale qodobkan wuxuu si toos ah uga horimaanayaa Quraanka kariimka.
Wuxuu Allaah oranayaa:
واللائي يئسن من المحيض من نسائكم إن ارتبتم فعدّتهنّ ثلاثة أشهر واللائي لم يحضن.
“ kuwa ka quustay dhiigga caadada oo ka mid ah haweenkiina haddii aad ka shakisan tihiin (haddii aad garan weyseen ciddadooda) ciddadoodu waa saddex bilood iyo kuwa aysan caadadu ku dhicin (yar-yar).
Aayaddu waxay timaantay qof aan caado ka imaan wali in ciddadeeda tahay 3 bilood, haddaba ciddo waxay ka timaadaa furriin , furriinna waxaa ka horreeya nikaax.
Sidaas ayuu qodobkaas u baalmaray shareecada.

F.G. haddii ilmuhu uusan awoodi karin galmada, sharcigu ma fasaxayo, laakiin caqadka nikaaxa waa jirayaa, waxaana la sugayaa oo aqal gayntu ahaanaysaa ka dib awoodda qofkaas, sida ku cad kutubta fiqhiga gaar ahaan madhabteenna Shaaficiyada. 

2- Qaanuunkan ma kala saarayo nikaax sharci ah iyo dhileysi
Qodobka 6aad ee ka hadlaya ku xadgudub jinsiyeed faqradiisa 1aad (b) waxaa ku cad sidan:

“ Qof kasta wuxuu galayaa fal dambiyeed ku xadgudub jinsiyeed ah haddii uu:
B fal jinsiyeed la sameeyay oggolaansho la`aanta qof kasta oo kale.

Lagama reebin haddii uu nikaax ka dhexeeyo labada qof sida uu tilmaamayo ereyga QOF KASTA.
Shareecada islaamka waxay u aragtaa haddii xaaska la qabo laga helo oggolaansha la`aan xagga galmada iyadoo aan wax cudurdaar sharcigu oggol yahay jirin,  in haweeneydaas ay tahay iyadu mid dambi kaga sugan xagga Allaah.
Wuxuu wariyay Muslim saxiixiisa (1436)
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلّى الله عليه وسلّم: " والذي نفسي بيده ما من رجل يدعو امرأته إلى فراشها، فتأبى عليه إلا كان الذي في السماء ساخطًا عليها حتى يرضى عنها ".
Wuxuu yiri rasuulka (scws) “ Waxaan ku dhaaranayaa Allaaha nafsaddeyda gacantiisa ku jirtee, ma jiro nin xaaskiisa ugu yeerayo gogosheeda, dabadeed ay diidayso illaa Allaaha sarreeya wuxuu u ahaanayaa mid dusheeda u careysan ilaa iyo inta uu ka raalli noqonayo ninkeeda.

Iyadoo sidoo kale haddii ninka laga helo ogolaansho la`aan  uu kaga dhaartay galmada xaaskiisa cudurdaar sharci ah la`aantiis  la soo hor joojinayo qaadiga, afar bilood ka dibna waxaa la farayaa inuu oggolaado ama furo haweeneyda, sida ku cad suuratul Baqarah.

(للذين يؤلون من نسائهم تربّص أربعة أشهر فإن فاءوا فإنّ الله غفور رحيم. وإن عزموا الطلاق فإنّ الله سميع عليم ).

Haddaba halkaas shareecada islaamka ee nabi Muxammad (scws) la yimid waxay u socotaa meel, qaanuunkanna meel kale, wax shareecada ku tilmaantay gardarro ( oggolaansha la`aanta ka imaanayso labada is qabto midkood) ayuu ku xaq siinayaa qofkii gardarnaa ee caasiyay Allaah. 

Dhanka kale haddii ogolaansho jirto laakiinse  uu nikaax sharci ah jirin wax uga xusan ma jiraan oo mamnuucayo, taasina waa dhilleysigii sharciga uu reebay.
Wuxuu Allaah quraanka ku yiri:
ولا تقربوا الزنى إنّه كان فاحشة وساء سبيلًا. 
“Ha u dhawaannina zinada wuxuu ahaaday faaxisha (dambi foolxun) iyo jid xun”.

Qaanuunkan waxaa qodobbadiisa aad ugu soo noq-noqday ogolaansho, oggolaansho la`aan iyadoo aan marnaba la xussaynin oo aan laga saareynin nikaaxa sharciga ah si cad .

3 Qaanuunkan wuxuu u qeexay kufsiga sida ku qoran  qodobkiisa  4aad faqradiisa 1aad (a b):
1 qof kasta wuxuu galayaa fal dambiyeed kufsi ah haddii uu:
A si ula kac ah galiyo haba yaraatee wax kasta ee la galiyo daloolka xubinta taranka, futada, ama xubinta taranka ee qof kale una adeegsado wax kasta ama xubin ka mid ah jirka iyadoo
B qofka kale uusan oggolayn wax galinta

2- Qof kasta oo gala fal dambiyeedka ku xusan qodobkan, waxaa lagu xukumayaa xabsi aan ka yareyn toban sano kana badneyn shan iyo labaatan sano.

Haddaba qodobkan wuxuu ka muujinayaa kufsiga laba qof oo isku qabta nikaax sharci ah dhexdooda  haddi oggolaansho la waayo, taasina waxay khilaafsan tahay shareecada islaamka oo aan marnaba wixii guur dhexdiis ku dhaca aan kufsi ku tilmaamin, sidoo kalena dhaqanka soomaalida arrintaas kufsi kuma ahan.
Ciqaabta ku xusan qodobkan waa khilaafsan tahay tan shareecada ku ciqaabtay qofka gaystay faldambiyeedka kufsiga.
Shareecada islaamka waxay ku ciqaabtay qofka kufsiga gaystay:
1 haddii uu nikaax sharci ah uusan soo marin  100 karbaash iyo musaafurin, halka uu mutaysanayo haddii uu soo maray nikaax sharci ah in la rajmiyo (dhagax lagu dilo).
2 inuu bixiyo magdhawga wixii dhib uu gaystay oo dhan (faah-faahinta arrintan waxaa laga heli karaa kutubta fiqhiga sida Minhaajka).

4- Hab garsoorka iyo ciqaabaha xeerkan waxay gabi ahaanba khilaafsan yihiin hab garsoorka iyo ciqaabaha shareecada.
1 Waxaa uu u qoran yahay qodobka 2aad, faqradiisa 3aad, qaybtiisa (a) iv sidan:
“ Maxkamaddu ma go`aamin karto inuu qof kasta oggolaaday fal jinsiyeedka iyadoo tixgelinaysa sababta kaliya uu:
(Iv) eedaysanaha iyo qofka kale ay hore u lahaayeen ama uu hadda ka dhexeeyo xiriir sida ku xusan qodobka 39 (k) ee sharciga soo baxay ee tirsigiisa yahay 5 kaasoo la soo saaray markay taariikhdu ahayd 16 disember 1962.

Ereyga ah UU KA DHAXEEYO XIRIIR nikaaxa sharciga waa soo galayaa, marka maxkamadda xiriirkaas dartiis uma qaadan karto inay ogglaansho jirtay, balse marka uu jiro xiriir ciqaabta ayaaba kordheysa, sida ku cad qodobbada ay ka soo qaateen xeerkii 1962.
Marka ciqaab kordhinta ka dhalaneysa xiriirka waa nidaam garsoor khilaafsan sharciga, oo haddii uu xiriirku nikaax yahay kaasoo ka dhexeeyo dadka is dacweynayo dambi ogolaansho la`aan  maba imaan karo nikaaxa dhexdiisa sida aan ku caddeynay kor.

2 waxaa uu u qoran yahay qodobka 47aad faqradiisa 4aad sidan:

“Haddii dhibbanaha ama marqaatiga uu yahay carruur, maxkamadda ama hay`adaha ku habboon marxalad kasta oo ka mid ah heerka dacwada ay mareyso waa inay qaadaan dhamaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah, loogana hortago shaacinta aqoonsiga dhibbanaha ama MARQAATIGA CARRUURTA AH.

Meelo dhowr ah ayaa lagu xusay in carruur uu marqaati ka noqon karo faldambiyeedyadan, sida qodobka 48aad ee xuquuqda carruurta, sidoo kale qodobka 39aad , faqradiisa 2aad xarafka (j).

Shareecada islaamka xukun ciqaabtiisu aad loo adkeeyay sida faldambiyeedyadan oo kale kuma dhisto marqaati carruur.
Wuxuu Allaah ku yiri Quraanka:
واستشهدوا شهيدين من رجالكم فإن لم يكونا رجلين فرجل وامرأتان ممن ترضون من الشهداء.
Marqaati galiya laba ka mid ah raggiinna, halkaasna culimada oo uu ka mid yahay imaamu Shaafici waxay ka fahmeen ereyga “raggiinna” qof weyn oo qaangaar ah, luqqaddii quraanka uu ku soo degayna waa sidaas, luqaddeenna soomaaliga ahna ereyga “nin” waxa uu ku dhacayaa qofka weyn ee qaangaarka ah.

Dadka laga raalli noqon karana waa qof hadalkiisu masuuliyad uu yeelan karo sida qof qaangaar ah oo aan faasiq ahayn.

F.G. Aayaddu waxay ka hadashay marqaatiga marka qaddiyaddu tahay maal, marka ay ciqaab tahay waaba kasii adag tahay waana ka weyn tahay.

3 Ciqaabaha ku qoran xeerkan gabi ahaan ma ahan kuwa waafaqsan shareecada Islaamka, mana ahan kuwa laga soo xigtay.
Ciqaabaha (xuduudda) sharciga waxay ku caddahay Quraanka kariimka iyo axaadissta rasuulkeenna (scws).

5- Xeerkaan wuxuu si toos ah u laalayaa oo u burrinayaa sharci kasta oo aan waafaqeynin, taas oo aan laga soo reebin shareecada islaamka.

Qodobka 65, faqrada 2aad waxay u qoran tahay sidan:

Xeer kasta ama qodob sharciyeed KASTA  oo ka hor imaanaya sharcigaan ama aan waafaqsanayn sharcigaan waa la baabi`iyay, waxaana lagu baddalay qodobbada sharcigaan.

Wuxuu Allaah oranayaa:
أفحكم الجاهليّة يبغون ومن أحسن من الله حكمًا لقوم يوقنون
Ma waxay doonayaan xukunka jaahiliga (Axkaamta khilaafsan sharciga Allaah iyo rasuulkiisa ee aadanuhu dagsado), yaa Allaah ka xukun wanaagsan ciddii wax yaqiininaysa.
Wuxuu Allaah sidoo kale yiri:
ولا يشرك في حكمه أحدًا
Allaah xukunkiisa cidna islama wadaajiyo.

Haddaba sharci waa kan Allaah soo dajiyay ama culimadu ka fahmeen kitaabka iyo sunnada, wixii khilaafsanna waa baadil, waxaan qof muslim ah ka suurtoobin kaa baadilka ah inuu ku baddasho kii xaqqa ahaa.

GUNAANAD

Intaan waa qaybo ka mid ah waxyaabaha khatarta ah ee ku jira xeerkan sugayo ansixinta, waxaana jira kuwa kale oo aynan halkan ku tilmaamin inagoo ku gaabsaneyno inta aan sheegnay si baaqaan uusan faraha uga badan, wixii faahfaahin ah waxaa laga daalacan karaa hindise qaanuuneedka.

Haddaba waxaan uga digeynaa cid kasta in ay  ku lug yeeshaan qaanuunkan meel markiisa si toos ah iyo si dadbanba (sabab u noqosho), wax ku xukunkiisa, u xukun doonashadiisa fulintiisa, taageeradiisa iyo wax kasta oo la xiiriira oggolaanshihiisa, waayo wuxuu  ka hor imaanayaa asalka iimaankooda iyo diintooda, waana waxa ugu muhiimsan oo aan haysanno oo uu Allaah noogu nicmeeyay.

Meelmarinta qaanuunkan waxay meel ka dhac ku tahay maqaamka weyn ee rasuulkeenna (scws) maadaama uu taabanayo guurkiisa sida aan kor ku soo xusnay, arrintaasna waa iimaan la`aan iyo diin ka bax.

Waxa uu fasaxayaa ama fududeynayaa dhileysiga.

Waxa uu baabi`inayaa oo duminayaa qoyska soomaaliyeed, wuxuuna isku dirayaa xubnihiisa, kamana jawaabayo baahida ummaddaan.

Waxaa laga soo miinguuriyay ummado aynan wadaagin diin iyo dhaqan toona, mana lagala tashan culimada Soomaaliyeed iyo waxgarad toona, waxayna ka muuqataa nuxurka xeerkaan iyo hab tarjumiddiisa.

Haddii uu xeerkan meelmar ka noqdo dalka iyo bulshadan muslimiinta ah dhexdooda  wuxuu dhaxalsiinayaa ciqaabo rabbaani ah oo ku habsato ummadda, sidii laga dhaxlay xadgudubkii kacaankii millateriga ee laalay axkaamta sharciga ee ku saabsanayd qoyska, uuna  ku jees-jeesay hoggaamiyeheedii si cad aayadaha Quraanka, kuna laayay culimadii isgarab taagay axkaamta islaamka, taas oo ay ilaa manta na haysato.
Wuxuu wariyay imam Ibnu maajah (4019):
عن ابن عمر عن النبيّ صلّى الله عليه وسلّم قال: " وما لم تحكم أئمّتهم بكتاب الله ويتخيّروا مما أنزل الله، إلا جعل الله بأسهم بينهم ".
“Haddii aysan ku xukumin madaxdooda xukunka kitaabka Allaah, oo aysan wixii Allaah soo dajiyay ka soo dooran , wuxuu ka yeelayaa dhibkooda iyaga dhexdooda”.
Ciqaabtaas oo ah kala tagga, isneceybka iyo isdilka dhexdeenna yaalla muddada dheer waxaana cad in ay ka timid arrintaas nabigu (scws) uu tilmaamay.

Ugu dambeyn qof kasta oo soomaaliyeed oo bulshada dhexdeeda cod ku leh, culimo, waxgarad, aqoonyahan iyo oday-dhaqameed rag iyo dumarba waa inay ka hortagaan dhaqangalinta xeerarkan caragalinaysa Allaah.

#shiikh_Axmed_yare

Saturday, October 6, 2018

Thursday, May 10, 2018

Welcome

https://www.youtube.com/channel/UCuM6oNM1gWucMh99s7zZGpw

Sunday, April 29, 2018

Dalka Arjantiin




Dalka jamhuuriyada Argentina (Argentine Republic). Dalka Argentina waxa uu kamid yahay wadamada ku yaala koonfurta America South America, waana wadanka labaad ee ugu dhulka balaadhan marka laga yimaad dalka Brazil. Dalka jamhuuriyada Argentina waxa uu xuduudo la wadaagaa dalalka kala ah Chile, Bolivia, Uruguay, Brazil iyo Paraguay


. Dhinaca galbeed waxa kaga dhereran dalka jamhuuriyada Argentina bada Atlantica (ATLANTIC OCEAN). Caasimada dalka jamhuuriyada Argentina waxa la yidhaa Buenos Aires, waana magaalo dadka ku nool lagu qiyaaso tiro kor u dhaafaysa 11-milyan ama (11,612,214) sida lagu sheegay tirakoobkii laga qaaday sanadkii 2010-kii.


Bedka: Bedka uu ku fadhiyo dalka Argentina waxa lagu qiyaasaa 1,068,302.20, oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 2,766,890.00, (kiiloo mitir laba jibaaran). Dalka jamhuuriyada Argentina waxa ay sadex jeer ka yartahay baaxada dalka Maraykanka, (slightly less than three-tenths the size of the US).


Dadka: Dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu qiyaasaa


41-milyan oo ruux, waana tirakoobkii la qaadays sanadkii 2010-kii.


Saadaasha dadka reer Argentina ee sanadka 2050-ka waxa la saadaaliyay in ay gaadhi doonaan in ka badan 50-milyan oo ruux.


Afka: Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid luuqada Spanish-ka oo ah luuqada koowaad ee lagaga hadlo dalka, waxa kale oo dalka jamhuuriyada Argentina lagaga hadlaa luuqadaha Ingiriisiga (English), Talyaaniga (Italian), Jarmalka (German) iyo Faransiiska (French).


Aqoonta: Dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu qiyaasaa inta aqoonta leh boqolkiiba 96.2%.


Diinta: diimaha ay kala haystaan dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa kami ah diinta kiristanka gaar ahaan mad-habta Roman Catholic-ga oo ay haystaan boqolkiiba 92%. Laakiin waxa si caadi ah ugu dhaqma (in ka yar boqolkiiba 20% ), mad-habta Protestant-ka waxa iyadna haysta boqolkiiba 2%, halka ay diinta Jewish ka haystaan boqolkiiba 2%, guud ahaan diimaha soo hadhay ee ay haystaan dadka reer Argentina waxa lagu qiyaasaa dadka haysta boqolkiiba 4%.


Cimriga: Ragga ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa ay da’doodu gaadhaa boqolkiiba 71-sano halka dumarka reer Argentina lagu qiyaaso cimarigooda 78-sano.


Dawlada: Qaabka ay u shaqayso dowlada dalka Argentina waa nidaamka Jamhuuriyada (Government Type republic).


Lacagta: Lacagta lag isticmaalo dalka Argentina waxa layidhaa peso.


Warshadaha: Warshadaha dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu farsameeyaa cuntooyimka, baabuurta, dunta, kiimikooyinka, birta, iyo adeegyo kale oo badan. Beeraha: Beeraha dalka jamhuuriyada Argentina waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin Ubaxa looyaqaan sunflower, liinta dhanaanta, Galayda, Tubaakada, Lawska, Shaaha iyo Qamadiga oo dalka Argentina siwayn uga baxa. Dhulka la isticmaalo ee dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 9%.


Khayraadka: Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Argentina waxa kamid ah dhul caro fur furan oo nafaqaysan leh gaar ahaan dhul baaxadeedka (Pampas), waxa kale oo dalka Argentina uu hodan ku yahay macaadiinta lead, zinc, tin, copper, iron ore, manganese, Baatroolka (petroleum) iyo uranium.

من أخطاء النّساء في رمضان


جاءت توجيهات الشرع الحنيف شاملة للرجال والنساء تحثهم على اغتنام شهر رمضان في العبادات والطاعات والقربات إلى ا تعالى، وعدم تضيع هذا الشهر فيما لا يُقرِّب إلى الله من الأعمال. ومما يؤسف له أن كثيراً من النساء لا يفقهن المراد من شهر الصيام سوى الامتناع عن الطعام والشراب فحسب، ثم هم بعد ذلك يقعون في بعض الأخطاء التي ينبغي الاحتراز منها، والابتعاد عنها:

أولاً: من الأخطاء ضياع أوقات كثير من النساء بالنهار في إعداد الطعام، والتفنن في الموائد والمأكولات والمشروبات، حيث تقضي المرأة معظم نهارها في المطبخ، ولا تنتهي من إعداد هذه الأطعمة إلا مع أذان المغرب، فيضيع عليها اليوم دون ذكر أو عبادة أو قراءة للقرآن، وينبغي على الأخت المسلمة أن تحفظ وقتها في هذا الشهر الكريم، وأن تقتصد في الطعام والشراب فتصنع ما لا بد منه وتكتفي بصنف أو صنفين، وأن تتعاون النساء في البيت الواحد بحيث تعمل واحدة وتتفرغ الأخرى للعبادة والذكر وتلاوة القرآن.

ثانياً: ضياع الأوقات بالليل في الزيارات التي قد تمتد لساعات متأخرة من الليل وربما إلى قبيل الفجر، أو الانشغال بمتابعة القنوات والبرامج التلفزيونية، فتقضي المرأة معظم ساعات الليل في مشاهدة ذلك، وكان الأولى بها أن تحيي ليلها بعبادة الله وذكره وشكره وتلاوة كتابه

ثالثاً: خروج بعض النساء إلى المسجد لصلاة العشاء والتراويح بلباس الزينة مع التعطر والتطيب مع ما في ذلك من أسباب الفتنة والإثم، والنبي صلى الله عليه وسلم يقول: (أيما امرأة أصابت بخوراً، فلا تشهد معنا العشاء الآخرة) رواه مسلم، ويقول: (أيما امرأة استعطرت، ثم خرجت، فمرت على قوم ليجدوا ريحها، فهي زانية) رواه أحمد.
رابعاً: الاختلاط الذي يحصل بين النساء والرجال عند الخروج من المسجد بعد صلاة التراويح، مما قد يتسبب في حصول الفتنة، والواجب عليهن أن يبادرن بالخروج قبل الرجال، ولا يمشين إلا في حافة الطريق وجوانبها، فهو الأستر والأحفظ لهن، وقد قال صلى الله عليه وسلم للنساء لما رآهن مختلطات بالرجال في الطريق: (استأخرن، فإنه ليس لكن أن تحققن الطريق، عليكن بحافات الطريق) رواه أبو داود.

خامساً: ومن الأخطاء فتور بعض النساء عن العبادة حال الحيض والنفاس، فتظن أنها في رخصة من كل أنواع العبادة التي تقربها إلى الله جل وعلا، مع أنه يمكن للحائض أن تؤدي كثيراً من الطاعات حال حيضها كالمداومة على الذكر والدعاء، والصدقة، وقراءة الكتب النافعة، والتفقه في الدين، بل لها أن تقرأ القرآن على القول الصحيح دون مس للمصحف، إلى غير ذلك من الأمور التي ينبغي أن تحرص عليها الأخت المسلمة.

سادساً: الانشغال في العشر الأواخر من رمضان بالتجهيز للعيد، والتجول في الأسواق ومحلات الخياطة لشراء الملابس، وهو خلاف هدي النبي صلى الله عليه وسلم الذي كان يجتهد في هذه العشر ما لا يجتهد في غيرها، ويمكن للمرأة شراء حاجاتها وحاجات أولادها قبيل شهر رمضان، أو في الأيام الأولى منه بحيث تتفرغ تفرغاً تاماً إذا دخلت العشر.

سابعاً: من الأخطاء أن بعض النساء قد تطهر قبيل الفجر، ولا تتمكن من الغسل لضيق الوقت، فتترك الصيام بحجة أن الصبح أدركها قبل أن تغتسل، مع أن الواجب عليها أن تصوم ولو لم تغتسل إلا بعد طلوع الفجر.

ثامناً: ومن الأخطاء إنكار البعض على بناتهم إذا أردن الصيام بحجة أنهن صغيرات، وقد تكون الفتاة ممن بلغت سن المحيض، فإذا أرادت الصيام منعها أهلها من غير أن يسألوها عن مجيء الحيض أو لا، فقد تكون بلغت سن التكليف الذي يجب فيه الصوم وهم لا يعلمون بذلك.


تاسعاً: خروج كثير من النساء إلى الأسواق مع السّائق الأجنبي ومن غير محرم، وقد يخالطن الباعة، فتحصل الخلوة المحرّمة التي تقود إلى أمور لا تحمد عقباها، فعلى المرأة الشّريفة العفيفة أن تتجنّب مواطن الريبة، وأن تبتعد عن أماكن الاختلاط ونظرات العابثين، وأن تلتزم بلباس الحشمة والحياء حتى لا يطمع فيها طامع أو يتطلع إليها فاسد، وقد قال تعالى: {وقرن في بيوتكنّ ولا تبرّجن تبرّج الجاهلية الأولى وأقمن الصّلاة وآتين الزّكاة وأطعن الله ورسوله} (الأحزاب:33).

Tuesday, April 17, 2018

Somalia iyo emaratka

Maal mahaan danbe waxaa bulshada dhexdeeda ay ku kala aragti duwan yihiin arinta labadaan dal oo ay xiisad gaara ka dhextaagantahay iyadoo arintaan ay carabta aad uxiisa gelinayso qaar waxaase cajiiba in wadanku uu noqdo meel qolaba mar ay hogaanka uqabato sidoo kale dowlada waxaad modaa in ay uba samaysan tahay hab filim markii arin ay 5-maalin taagnaataba midbaa lagu sii daba qabanayaa somalia madax deedo waxay aheed haddii caqabad ay ku hayso arimahooda emaraadku in ay siku munaasaba uga jawaabaan amay u maraan lakin in ay ceebeystaan ma aheyn  waayo ficiladu way kala saamayn badan yihiin hadda intíi emaradka meel ay usoo marto la'ed ayaa helay fursad siyaasadu maahan maya ama haa oo banaanka lala soo istaago ee waxaa loo baahan yahay in hab siyaasadaysan wax looga jawaabo ufiirso markay hadlayan siyaasiyiintena sida ugu danbeysa oo ay wax u arkaan ay bananka lasoo istaagaayaan war heedhe siyaadu mahan meel runta lagu wada hayo ee afmacaan barta uun howshiinana sida idinkugu dacadsan dadkiina wax ugu qabta waxana ceeb idinku ah in aad maanta xaafad xaafad u kala hadashaan wadankaan arimihiisa yaa xaq uleh inuu go'an ka gaaro ma midkasta oo xaafad haystaa haya!!

La imaada dhaqan aan walalkiin idinka gaynayn idinkana dhigayn u adeega yaal dal kale.
Qalad ayaadna qalad kusaxdeen xaqiiq talaabada aad qaadeen mahan mid guushiina ka shaqeynaysa ee waa mid idinku ah caqabad waxaadna ugu hiiliseen cadawgooda ha hilmaamin amaalka la idiin so galay.

Tuesday, February 27, 2018

Wadanka kaliya ee dadkooda waal waalan aan ceshen!

Maal mahaan danbe waxaa soo badanaayey dadka maskaxda looga jiro oo aad loogu arkayey baraha bulshada ey ku kulmaan, ayadoo taa ay jirto hadana waxaan ka marnayn meesha kuwooda lasheqeya oo kasii waalaya waayo waxa aad arkaysaa waxa ay garabka kusiinayaan oo ay ka sooduubaayaan.

Somaliya dhaqan bay laheed, dadka waal waalana waxaa asturan jiray bulshada ay ehelka yihiin ayadoo la arki jiray dad xir xiran oo kaligood iska qeyl qeylinaaya lakin waayadaan danbe taa lawaa, oo waxaa looba badalay in mobile tach-ah loo iibiyo channel-na looga furo youtnbe-ka waana tan keentay in aad aragto dad kaayaabinaya say uhadlayan iyo say u dhaqmaayaan, Ogaaw adaa wax waalan daawanaysid!!!.

Maku wareertay warar hadba xiisad kugu abuura oo been ah ayagana?

Waxaan aad iyo aad uga xumahay in maanta dadkeena ay noqdaan kuwa wixii laqoraba qaata taas ayaana ah mesha ay baladu kajirto, hadaba haba aaminin post-yada aad ku arkaysid baraha bulshada waayo in tii waalneed qaar kamida oo waxaa jira ku nefisa qoraallada ay ku qoraayaan barahaas marka dadka waal waalan warkooda haku waalanin.

Maxaa lagu kala yaqaan qoraalada dadka waal waalan ay qoraan iyo kuwa dadka kale qoran?!!

Ugu horeyn ani taladayda iyo saan u arko waxa ugu fudud ee lagu garan karaa waa miisaanka, Hadalkooda iyo Qoraaladoodu ay leyihiin.
Haddii aad aragto dad si aan macno lahayn isaga hadla waqtigaaga ha isaga limin.
ugu yaraan cida fayow warkooda waxbaad ka korarsan kartaa talo iyo waano kuma qasaraysaid.

Bulshadena waa dad badana qaba xanuuno maskaxda ah mahan waalidu kaliya tii waawda aheed, waxa jira dad problems ay heerkaas geeyeen, kuwo cuqdad qaba, kuwaan naftooda kalsooni kuqabin, kuwa dhaqan rogmay, kuwa yar-yar oo isticmala baraha bulshada, qaar luqadiiba ay dhibayso, iyo kuwa aan wax dhaamin kuwa waal waalnaa oo iskaba yaacaya afkoodu iska furan yahay bilaaxisaab, lkin inta fayoow ayaa kabadan kuwaan ee fudeed le iska ilaali.

F.G: Qof kasta oo aad fahmi weyso ha u qaadan in uu ka tirsan yahay inta aan fayoobayn.

Accounting Concepts and Accounting Basics and Fundamental Theory

ka faa iidaysi wacan 

Galaxy J7 prime Nougat 7.0

Galaxy J7 prime Nougat 7.0 Update Review 

Thursday, February 1, 2018

Heerka Doqonimo Ee Dadkeena Maanta!!

Waxaa wax laga xumaadaa in aan maqalno maalin kasta dadkeena oo la lirxiraayo dumarkii iyo kuwo aan waxba galabsaninba maahan hadii qofku aragtidiisa iyo rabitaankiisa cabiro in xuriyadiisa la wax yeeleeyo waa doqonimo heerna lagu gaari maayo taa, mideeda kale qofkaan waa qof og asiga in laxisaabinaayo adduun iyo aaqiraba marka mar hadii uusan xadkiisa dhaafin da illen in aad wadan kaada jeclaata waa xuquuq aad leedahee heedhe dadkiinaan caadifaysan iska dhaafa xadgudubka waad isgaranaysaane al muhiim.