Hambalyo Dhammaan Asaxaabta Fasalka BACC20 #SIMAD_FAMILY_2018
Dhamma Blogger is a free full network whose job it is to offer its partners on so you try to be one of the most interest Thanks.
Sunday, August 12, 2018
Thursday, May 10, 2018
Welcome
https://www.youtube.com/channel/UCuM6oNM1gWucMh99s7zZGpw
Sunday, April 29, 2018
Dalka Arjantiin
Dalka jamhuuriyada Argentina (Argentine Republic). Dalka Argentina waxa uu kamid yahay wadamada ku yaala koonfurta America South America, waana wadanka labaad ee ugu dhulka balaadhan marka laga yimaad dalka Brazil. Dalka jamhuuriyada Argentina waxa uu xuduudo la wadaagaa dalalka kala ah Chile, Bolivia, Uruguay, Brazil iyo Paraguay
. Dhinaca galbeed waxa kaga dhereran dalka jamhuuriyada Argentina bada Atlantica (ATLANTIC OCEAN). Caasimada dalka jamhuuriyada Argentina waxa la yidhaa Buenos Aires, waana magaalo dadka ku nool lagu qiyaaso tiro kor u dhaafaysa 11-milyan ama (11,612,214) sida lagu sheegay tirakoobkii laga qaaday sanadkii 2010-kii.
Bedka: Bedka uu ku fadhiyo dalka Argentina waxa lagu qiyaasaa 1,068,302.20, oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 2,766,890.00, (kiiloo mitir laba jibaaran). Dalka jamhuuriyada Argentina waxa ay sadex jeer ka yartahay baaxada dalka Maraykanka, (slightly less than three-tenths the size of the US).
Dadka: Dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu qiyaasaa
41-milyan oo ruux, waana tirakoobkii la qaadays sanadkii 2010-kii.
Saadaasha dadka reer Argentina ee sanadka 2050-ka waxa la saadaaliyay in ay gaadhi doonaan in ka badan 50-milyan oo ruux.
Afka: Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid luuqada Spanish-ka oo ah luuqada koowaad ee lagaga hadlo dalka, waxa kale oo dalka jamhuuriyada Argentina lagaga hadlaa luuqadaha Ingiriisiga (English), Talyaaniga (Italian), Jarmalka (German) iyo Faransiiska (French).
Aqoonta: Dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu qiyaasaa inta aqoonta leh boqolkiiba 96.2%.
Diinta: diimaha ay kala haystaan dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa kami ah diinta kiristanka gaar ahaan mad-habta Roman Catholic-ga oo ay haystaan boqolkiiba 92%. Laakiin waxa si caadi ah ugu dhaqma (in ka yar boqolkiiba 20% ), mad-habta Protestant-ka waxa iyadna haysta boqolkiiba 2%, halka ay diinta Jewish ka haystaan boqolkiiba 2%, guud ahaan diimaha soo hadhay ee ay haystaan dadka reer Argentina waxa lagu qiyaasaa dadka haysta boqolkiiba 4%.
Cimriga: Ragga ku dhaqan dalka jamhuuriyada Argentina waxa ay da’doodu gaadhaa boqolkiiba 71-sano halka dumarka reer Argentina lagu qiyaaso cimarigooda 78-sano.
Dawlada: Qaabka ay u shaqayso dowlada dalka Argentina waa nidaamka Jamhuuriyada (Government Type republic).
Lacagta: Lacagta lag isticmaalo dalka Argentina waxa layidhaa peso.
Warshadaha: Warshadaha dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu farsameeyaa cuntooyimka, baabuurta, dunta, kiimikooyinka, birta, iyo adeegyo kale oo badan. Beeraha: Beeraha dalka jamhuuriyada Argentina waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin Ubaxa looyaqaan sunflower, liinta dhanaanta, Galayda, Tubaakada, Lawska, Shaaha iyo Qamadiga oo dalka Argentina siwayn uga baxa. Dhulka la isticmaalo ee dalka jamhuuriyada Argentina waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 9%.
Khayraadka: Khayraadka dabiiciga ah ee dalka Argentina waxa kamid ah dhul caro fur furan oo nafaqaysan leh gaar ahaan dhul baaxadeedka (Pampas), waxa kale oo dalka Argentina uu hodan ku yahay macaadiinta lead, zinc, tin, copper, iron ore, manganese, Baatroolka (petroleum) iyo uranium.
من أخطاء النّساء في رمضان
Tuesday, April 17, 2018
Somalia iyo emaratka
Maal mahaan danbe waxaa bulshada dhexdeeda ay ku kala aragti duwan yihiin arinta labadaan dal oo ay xiisad gaara ka dhextaagantahay iyadoo arintaan ay carabta aad uxiisa gelinayso qaar waxaase cajiiba in wadanku uu noqdo meel qolaba mar ay hogaanka uqabato sidoo kale dowlada waxaad modaa in ay uba samaysan tahay hab filim markii arin ay 5-maalin taagnaataba midbaa lagu sii daba qabanayaa somalia madax deedo waxay aheed haddii caqabad ay ku hayso arimahooda emaraadku in ay siku munaasaba uga jawaabaan amay u maraan lakin in ay ceebeystaan ma aheyn waayo ficiladu way kala saamayn badan yihiin hadda intíi emaradka meel ay usoo marto la'ed ayaa helay fursad siyaasadu maahan maya ama haa oo banaanka lala soo istaago ee waxaa loo baahan yahay in hab siyaasadaysan wax looga jawaabo ufiirso markay hadlayan siyaasiyiintena sida ugu danbeysa oo ay wax u arkaan ay bananka lasoo istaagaayaan war heedhe siyaadu mahan meel runta lagu wada hayo ee afmacaan barta uun howshiinana sida idinkugu dacadsan dadkiina wax ugu qabta waxana ceeb idinku ah in aad maanta xaafad xaafad u kala hadashaan wadankaan arimihiisa yaa xaq uleh inuu go'an ka gaaro ma midkasta oo xaafad haystaa haya!!
La imaada dhaqan aan walalkiin idinka gaynayn idinkana dhigayn u adeega yaal dal kale.
Qalad ayaadna qalad kusaxdeen xaqiiq talaabada aad qaadeen mahan mid guushiina ka shaqeynaysa ee waa mid idinku ah caqabad waxaadna ugu hiiliseen cadawgooda ha hilmaamin amaalka la idiin so galay.