Monday, February 27, 2017

Maalin tiiraanyo leh iyo xasuus

Waxaa maanta gubtay suuqii bakaaraha meel kamida oo aheed meelaha ay aad ay ugu badnaayeen ganacsatada nuucyadeeda kala duwan taas oo sababty qasaaro aan hore usoo marin ebid baaxad ahaan iyo qasaaro ahaan.

Waxa kala oo xusid mudan in waqtiga ow saaciday sababana qasaaro intaa la eg waayo waqtiga ow bilaawday ayaa aheed waqti ah habeenka xiligiisa danbe oo aheed waqti hurdo taas oo noqotay amakaak aan caadi aheyn in lagu waa biriisto qeylo iyo orod aan dadku ku wada baraarug sanayn sida ay wax ujiraan lkin alle mahadi inta gubatay ayaa noqotay mid ugu yaraan inta badan wax laga bad baadshay halka intii kalana xooga lasaaray in uusan qasaaraha gaarin.

Cayrtu waa shay laga ducaysto laakin waa amar alle oo ubaahan in loo samro insha allah waxana jeclaan lahaa in aan talo yar lawadaago dadkayga waayo maanta kuma farxin waxa dhacay.
1. Waxaan dhihi lahaa suuqa intii la awoodo halaga saaro ama halaga fogeeyo kaalmaha shidaalka 
2. sidoo kale hala kala sikiyo oo aad halooga taxadaro kaalmaha shidaalka iyo maqaayadaha haday ahaan lahaayeen kuwa banaan jooga ah iyo kuwa caadigaaba.
3. in laga daayo in jiingad laga buuxiyo suuqa dhexdiisa waayo hadi ay dhacdo in dab kacaa waxa wax kaqeyb qaadanaa waa ayada.
4. Fiilooyinka korontada in aysan marin meel kore sidoo kale baalayaalkii hore oo duuga ahaa in labadalo oo loo badalo baalayaal shub ah lana daryeelo oo fiira gaara loo yeeshto.
5. Ugu danbeentii, waqtiyada laga hoyaadaayo goobaha waa in mahradaha laga damiyaa dabka korontada fuyuuska ilaa kuwa baalayaalka mahee oo lagu waar diyeynaayee.

Insha allah baraaro wacan wax kaqeyr badan ayaan idiin rajaynaa walaalahayga maanta ow saameeyey musiibadii dabku kuna samra insha allah qadarta alle 


                                                                       MAHAD SANIDIIN.

               

No comments:

Post a Comment